الاثنين، 11 ديسمبر 2017

Maxey iska shabahaan qisadii asxaabul fiil ee lagu dumin rabay kacbada iyo tan maanta yahuuda ku heysato masjidul aqsa!!

Dhalashadii nabiga scw kahor ayaa waxaa jiray nin daalim ahaa ninkaas oo lagu magacaabi jiray abraha

Abraha waxa uu dhibsaday dadkii carabta ahaa ee xiligaas sida ay kacbada quluubtoda ugu weyn tahay waxa uuna go'aan ku gaaray in uu soo dumiyo kacbada 

Wuu soo dhaqaaqay asiga iyo ciidan kiisa iyo marodiyaal badan oo kamid ahaa ciidamadisa 

Carabtii ku nooled magalada maka waxaa laga haayaa in ay dhaheyn

 (انا رب إبلي والبيت له رب يحميه

Aniga waxaan ahay rabiga gelleyga masjidka ama kacbada alle ayey ledahay oo ilashanaya.

Wax iska caabin ah haba yaratee iskuma dayin Sidaasi markey dhacday alle swt beytkisa wuu ilshaday. 

Abraha iyo marodiyalkisana halaag ayaa ka'qabsaday markey damceen in ay dumiyaan kacbada 

Alle swt oo qisadaas inoga waramya 👇

﴿قوله تعالي أَلَمْ تَرَى كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِأَصْحَابِ  الْفِيلِ*أَلَمْ يَجْعَلْ كَيْدَهُمْ فِي تَضْلِيلٍ*وَأَرْسَلَ عَلَيْهِمْ طَيْراً أَبَابِيلَ* تَرْمِيهِمْ بِحِجَارَةٍ مِنْ سِجِّيلٍ*فَجَعَلَهُمْ كَعَصْفٍ مَأْكُول

Ma'ogtahay eeba waxa uu kayelay asxaabtii marodiga miyuusan dhagartodii ka yelin wax dhumay. 

Oosan ku dirin korkoda shimbiro kooxo ah kuna tuureysa dhagaxyo la kuululeyay. Markaas eebe ka yelay bal la daaqay). oo kale.

Marka hada carabta joogta ee masjidka aqsa ama qudus  hortoda yahuuda ku qaadatay waxey u'muuqdaan in'ay leyihiin

أنا رب الكرسي ... وللبيت له رب يحميه...!!! 

Aniga waxan ahay rabiga kursigeyga masjidka Aqsa iyo qudusna alle ayaa leh oo ilashaananaya!!

Waxeyba rabaaan hada shimbirihii difacay kacbada 1400 sano ka hor  in loo soo diro oo yahuuda layso

kadibna ayagoo qamiisyo dhaa dheer oleh halla halla halla  si dhib yar  magalada qudus bariis iyo dijaaj ku dhex cunaan!!.

اللهم انصر الإسلام وأعز المسلمين وأعل بفضلك كلمة الحق والدين اللهم أعز الإسلام والمسلمين وأذل الشرك والمشركين ودمر أعداء الدين   
WQ Abdelkaadir young wadaniyooz
 

الاثنين، 4 ديسمبر 2017

toos udaawo dilkii toogasho MD dalka yaman cali cabdalla saalax

Cali cabdalla saalax madax weynihii hore ee yaman ayaa sanadihii la soo dhaafay xulufo la ahaa xuutiyiinta ka dagalanta dalkaasi lkn isbuucii la soo dhaafay ayaa khilaaf kala soo dhex galay asiga iyo xuutiyinta taasi oo sababtay in ay maanta khaarijiyaan ugu dambeyn allaha unaxaristo

السبت، 20 أغسطس 2016

Kkkk sheeko qosol badan is qanjaruufo hadaa qosol isku celin weyso

Hada ka hor Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxuu la kulmay Boqorada Ingiriiska markaas waxuu waydiiye "See dadkaan oo dhan u maamushaa Anigu waa ku wareeray somalidiiye?. Ma jiraan wax talooyin ah oo aad isiin kartid.

Boqradii waxay dhahday horta mida ugu muhiimsan baa waxay tahay in dad aad u caqli badan markasta hareerahaaga ay joogaan.

Xasan: oo see ku ogaan karaa in dad caqli badan geesahayga ay joogaan?

Bqoradii: taasi waa fudayd, waxaad waydiisaa hal xiraale haday ka jawaaban waa dad caqli baan. Boqorada waxay riixday boton waxayna dhahday ha la iigu yeero DAVID CAMERON. Markuu u yimid waxay ku dhahday "David waxaad ii sheegtaa, hooyadaa iyo aabahaa waxay leeyihiin ilmo, ilmahaas walaalkana ma ahan walashaana ma ahan yaa weeye ilmahaas?

David isla markiiba waxuu la soo booday waa Aniga.

Xasan ayaa kusoo noqday Muqdisho waxuuna u yeeray Raysal wasare Cumar Cabdirashiid waxuuna ku dhahay, "Waxaad ii sheegtaa, hooyadaa iyo aabahaa waxay leeyihiin ilmo, ilmahaas walaalkana ma ahan walashaana ma ahan yaa weeye ilmahaas? CCC Sharmaake wuxuu yiri "Magaranyo mudane balse iga war sug gobolka Banaadir oo dhan baan ku wareegayaa anaa keenaya, Cumar siduu u wareegayay wuu soo waayey markii danbe ayuu wuxuu wacay Abdiwali Gaas wuxuu ku yiri "Mudane iiga jawab su'ashan hal xiralaha ah"

Gaas waxuu dhahay soo daa. Waxaad ii sheegtaa, hooyadaa iyo aabahaa waxay leeyihiin ilmo, ilmahaas walaalkana ma ahan walashaana ma ahan yaa weeye ilmahaas?

Mudane Gaas waxuu markiiba ku jawaabay, waa aniga.

Cumar Cabdirashiid oo ordaya aya Madaxtooyada ugu tagay Xasan Sheekh waxuuna dhahay jawabtii waa soo helay mudane, haye ii sheeg buu dhahay, waxuu ku dhahay ilmahaasi waa mudane GAAS.

Xasan Sheekh ayaa dhahay awalba caqli xumada baan kugu nacay ninkaasi waa  David Cameron waxaana ii sheegtay Boqrada. Kkkkkkkkkkkkkkkkk

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee debeda wax barasho u aadda, markay soo noqdeena iyagu dhisay ciidamadii qaranka,  21 Octoobar sanadkii 1969 wuxuu ka mid ahaa saraakiishii afgembiday dowladii ra’yidka ahayd.

S/guud Maxamed Cali Samatar wuxuuna ka mid noqday golihii sare ee kacaanka raggii ugu muhiimsanaa, waa kuwii ka dhigay Soomaaliya dowlad casri ah oo la jaanqaadda nidaamkii dowliga ahaa, wuxuu waqti dheer ka ahaa dowladii kacaanka madaxwayne ku xigeenka kowaad iyo wasiirka gaashaandhigga, ugu dambayntii wuxuu noqday ra’iisal wasaarihii dowladii kacaanka.

S/Guud Maxamed Cali Samatar  wuxuu ahaa nin aad u furfur oo kasban kara qof kasta iyo bulsha kasta oo uu la kulmo, waana sarkaalkii ugu horeeysay ee Soomaali ah ee abid gaara derejada S/Guud, tan iyo derejooyinkaa sarsare ee uu gaaray S/Guud Samatar wuxuu ku gaaray aqoontiisa, xirfadiisa iyo kartidiisa uu u leeyahay shaqadiisa, wuxuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay horumar kasta oo uu wadankeenu gaaray xilligaas, wuxuuna ahaa kii dhisay ciidankii ugu xoogga waynaa uguna tababarka fiicanaa Afrikada madow, taas oo uu ku mutaystay In loogu yeero General kii kowaad ee Afrika.

S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa nin furfuran oo kasbada cid kasta oo ay kulmaan ama wada shaqayaan, taas ayaa waxa ay ka yeeshay nin ay aad u jecel yihiin dhamaan ciidamadii qaranka, ciidamada caadiga ahi waxay u jeclaayeen si aanay u jeclayn saraakiishii iyaga madaxda u ahayd markaas, taas oo had iyo jeer si xoog leh looga dareemi jiray ciidamada dhexdooda, sidoo kale wuxuu ahaa nin ay guud ahaan jecelaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar dhinac kasta oo laga eego wuxuu ahaa nin dhexdhexaad u ah ummadda Soomaaliyeed, hamigiisa keli ahina wuxuu ahaa siduu wadankiisa horumar u gaarsiin lahaa.

S/guud Maxamed Cali Samatar ayaa xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka iyadoo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Cali Samatar.

الثلاثاء، 9 يونيو 2015


  • Akhri qisadan qurxon. Waxay tiri sayidadii caisha (rd) anoo ku jira qolkayga oo maro tolaya baa faynuuski iga damay oo qolkii igu madobay oo irbadi aan wax ku tolayayna iga dhacdey anoo sidii ah bn waxa iiso galay nabiga sllhucalyhi wa salam markaaas bn wajigisa nurka ka baxaya dartiis aan irbadaydii arkey waxayna tiri wllhi ilahey bn ku dhartaye ifka wajigiisa ka baxaya qolka daafihiiso dhan buu ifiyay. Waxayna ku tiri aabahey halugugu furtee nabigi ilahayow wajigaga maxa ka nuur badan markasu yiri caashoy hoog wuxu usugnadey qofkan wajigayga arkayn malinta qiyaame. Markasey tiri oo nabi allow yaan wajigaga arkeen malintas markasu wuxu yiri qofkii agtisa la igu xuso ana igu salin . Sallalahu calayhi wa salam.  Allahuma sali cala muxamad wa cala ali muxamad kama salayta cala ibrahima wa cala ali ibrahima fil calamina inaka xamidul majiid. Dhib kuguma hayso inad garsiisid dadka adigo xasusinaya arintas. Nabigu sllhu clyhi wasalam wuxu dhahay (wax iga gaarsiiya dadka walow hal aayad ha ahate) kusaliya nabigeena muxamad sllhu calyhi wasalam salaan tan ugu fiican. Wan ka dalbadey please haygu celin, waxan rabaa ind garsiisid asxabtada wats app oo dhan si ay ugu saliyaan nabiga scw. Dhere kuligedba waa ilbiriqsiyo waxan rabaa inay iiso labato hadad i qiimaysid al ycni aad dalabkeyga aqbashid. Ka bilow qofka kugu qalisan sxbadaa. Lkn markad dadka u qebisid maka dhamanaysaa. Ilahey bn ku dhartaye aniga iga dhaman mayso inn ku saliyo nabigena nnkh. Nabiga ku sali toban jeer garsina toban qof si ay hal saac gudehed nabiga ugu ahato 100 sali. Waxay miizankaga kugu noqonesa 1000 000 salat. Ha dhihin dhib maleh taasi waa 1000 000 sali nabi ah oo kuu shafeco qadasa..